Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Ballan-qaadkii uu Kheyre sameeyey 7 bil ka hor, maxaa ka hir-galay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa bishii April balanqaaday in bilowga bishii May ee sanadkii tagay la bilaabayo dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye iyo tan xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Markale Bishii May ayuu sameeyay balanqaad kale oo ah in la bilaabi doono dhismaha waddooyinkaasi ka baxa Caasimada Soomaaliya balse wali ma jirto wax dhismo ah oo la bilaabay, waxaana dhismahaasi ka taageereysa dowladda Qatar.

Qatar ayaa marar badan sameysay balanqaadyada dhismaha xarumo badan oo Muqdisho ku yaala, balse ilaa iyo hadda ma jirto hal meel oo la dhagax dhigay, waxaana balanqaadyadaasi dowladda Soomaaliya ay heshay markii go’aan dhexdhexaad ah oo u muuqday inuu Qatar u hiiliyay ka qaadatay khilaafkii Khaliijka.

Ilaa iyo hadda lama cadeyn sababaha balanqaadyada Qatar ay kaga fuli la’yihiin magaalada Muqdisho, balse waxaa muuqata inay ahaayeen balanqaadyo xiligaasi la sameeyay iyo heshiisyo lala galay.

Qatar ayaa heshiisyo badan u saxiixday xukuumadihii kala duwanaa ee dalka Soomaaliya, waxaana aad u yaraa fulinta balanqaadyadaasi.

Waxaa kaloo jirta cabsida Al shabaab laga qabo oo la xiriirta dhismaha waddooyinkaasi, taasi oo u baahan in xal laga gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this