Deeq A. Posted January 21, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay maanta ku dagaallameen ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Ciidamadan ayaa la sheegay iney kala ahaayeen Booliis iyo Milatari, waxaana dagaalkan uu yimid kadib muran ku dhexmaray suuqa degmadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey saddex qof, iyadoo Saddex kale ay ku dhaawacmeen, inkastoo khasaaraha uu intaan ka badan karo. Goobta dagaalkan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda ah kuwaasi oo kala dhexgalay askartii dagaallantay. Ganacsatada qaar ayaa garab ka mid ah ciidamada dagaalamay ku sheegay burcad dooneysay inay suuqa ka qaataan lacag baad ah, ayna ugu yeereen ciidamada amniga, sidaasna uu dagaalka ku billowday. Maamulka degmada Kaaraan weli kama hadlin dagaalka. Degmada Kaaraan ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites