Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Wasiir Oomaar oo xog ka bixiyey ninkii ajnabiga ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ka hadlay nin ajnabi ah oo laga shakiyey oo sabtidii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Oomaar oo wareysi siiyey VOA, ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu yahay nin ajnabi ah oo gudaha Soomaaliya ka shaqeyenayey muddo, balse uusan shegei karin dhalashadiisa ilaa laga soo geba gebeeyo baaritaan ku socda.

Si kastaba Oomaar waxa uu sheegay in ninkan uu kasoo jeedo dalalka reer galbeedka, islamarkaana u safrayey mid ka mid ah dalalka Yurub, isaga oo raaci alaha diyaaradda Ethiopian Airlines.

Wasiirka ayaa sheegay in boorso uu ninkan saaran lahaa xamuulka diyaaradda (Cargo) uu ku ritay gasacad ay ku jireen walxo looga shakiyey inay yihiin kuwa qarxa, balse markii dambe aan noqon.

Waxa uu sheegay in markii la weydiiyey uu shaaca ka qaaday inuu markii uu Soomaaliya imanayey uu watay, islamarkaana uu doonayey inuu dib ugula laabto dalkiisa.

Oomaar ayaa dhinaca kale sheegay in ammaanka garoonka uusan marnaba halis galin islamarkaana ninkan lagu qabtay bartii ugu horreysay ee baaritaan, ayada oo baaritaano kale ay u dhinnaayeen.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/d5599055-ecd5-4345-a7a8-54dde8aca5ba_16k.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this