Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Somaliya oo u Tafa Xaytay Hub Urursi ka hor wada Hadalada Somaliland iyo Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

warancade.jpg

Maamulka Somaliya oo u Tafa Xaytay Hub Urursi ka hor wada Hadalada Somaliland iyo Somalia

Waxaa Cadaatay in uu Burburay Cuna Qabateyntii Hubta ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa ay ku soo Rogtay Gobolka. Ka dib Markii Dowladda Qadar ay si badheedh ah u soo dajisay Hub Culus Gacantana u Galisay Maamulka Muqdisho oo u Guntaday Hub Urursi inta ka horeysa wadahalada Somaliland iyo Somalia, arintan oo ku soo begantay wax yar ka dib markii Maamulka Muqdisho uu Dalka ka caydhiyey Ergeygii Wakiilka u ahaa Qaramada Midoobay ee u Xil saarnaa Ilaalinta Cuna-qabateynta Hubka ee saarneyd Gobolka.

Sidaa awgeed waxaa la Gudboon Qaramada Midoobay in ay Talaabo Deg deg ah ka qaadan Arintan Halista ah si looga hortago Qalalaase iyo Colaado Cusub oo ka Dilaaca Gobolka Geeska Africa.

Waxaana la Gudboon Ummada Reer Somaliland in ay Muujiyaan Digtoonaan iyo isku Duubni si ay uga Hortagaan khataraha loo maleegayo

Alla Mahad leh
Ali Mahamed Waranade

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this