Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiro Kamid Ah Ciidamada Qaramada Midoobey Ee Joogo Mali Oo Weerar Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mali)-Maleeshiyaad la sheegay inay gacan saar la leeyihiin ururka Al Qaacidda ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen waqooyiga dalka Mali halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku sugan dalkaasi.

Waxaana ku dhintay weerarka 10 ka tirsan ciidamada Chad ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta dalka Mali halka 25 ciidan ah uu dhaawac soo gaaray

Maleeshiyaadka waxay sheegeen in weerarka ay jawaab u aheyd booqashada ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku maraya dalka Chad iyo go’aanka madaxweyne Idris Deby uu xiriirka diblumaasiyadeed kula yeelanayo Israa’iil.

Weerarka Axaddii ayay kooxda u adeegsadeen gawaarida dagaalka iyo hub culus oo ay kula beegsadeen saldhiga ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey eek u sugan magaalada waqooyiga ku taalla ee Kidal.

Qaramada Midoobey waxay ku tilmaantay weerarkaasi ficil dambi ah oo laga xumaado.

Sannadkii 2013-kii ayay Qaramada Midoobey ciidamo u dirtay dalka Mali si ay dagaal ula galaan maleeshiyaadka Islaamiyiinta ah ee dalkaasi ka howlgala.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this