Deeq A. Posted January 21, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ayaa ku warramaya in Meydadka illaa afar Qof saaka lagu arkay duleedka degmadaasi. Meydadkan oo ay korkoodu ka muuqatay rasaas ayaa la sheegay in xalay la soo dhigay halkaasi , sida ayShabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sawirro laga soo qaaday Meydadka ayaa muujinaya in toogasho lagu dilay dadkaasi, kadibna la soo dhigay goobtaasi, iyaga oo gacmaha iyo indhaha ka xiran. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in laba ka mid ah Marxuumintaasi ay xirnaayeen tuutaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dyniile ayaa gaaray halka la soo dhigay Meydadkaasi, inkastoo maamulkaasi degmadaasi uusan ka hadlin dhacdadaasi. Arrintan ayaa walaac iyo wal wal xoogan ku beertay dadka deegaanka oo saaka ku soo waabariistay dhacdadaasi argagaxa leh. The post Meyadka 4 Qof Oo laga helay duleedka degmada Dayniile appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites