Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo soo bandhigtay magacyada rag loo heysto weerarkii Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa soo saaray liiska 7 ruux oo la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen weerarkii 15 bishan lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in todobadaasi ruux oo badankood Kenyaan ah ay ka baadi goobayaan gudaha dalka Kenya.

Booliska ayaa soo bandhigay Sawirrada iyo magacyada dadkaasi ay raadinayaan oo kala ah Dido Mohamed Fugicha Alias Dingdong, Hussein Adan Hussein Alias Etto, Gadaffi Alias Munene, Boru Abdi Bidu, iyo Ramadhan Wario Bonaya Alias Rasho .

Sidoo kale ayaa waxaa Booliska ay sheegeen in ay jiraan labo ruux oo Somali oo AY aysan u suura galin in ay helaan magacyadooda, balse ay soo bandhigeen Sawirradood.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee dalka Kenya Joseph Boinet ayaa shacabka Kenya ka dalbaday in Booliska ay kala shaqeeyaan sidii raggaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Laamaha ammaanka ee Kenya ay gacanta ku dhigay dhowr ruux oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeeen weerarkii lagu qaaday hoteelka DusitD2 oo ku yaala magaalada Nairobi, kaas oo lagu dilay dad ka badan 20 ruux.

Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa hore u sheegatay in ay ka dambeysay weerarkaasi.

The post Kenya Oo soo bandhigtay magacyada rag loo heysto weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this