Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadha kaliya ee ku jirta Baarlamaanka Puntland oo kamid noqotay gudiga joogtada

Recommended Posts

Deeq A.   
nimco.jpg?resize=600%2C400&ssl=1Xildhibaan, Naciimo Cabdi Caarshe

Naciimo Cabdi Caarshe oo ah gabadha kaliya ee kamida Baarlamaanka cusub ee Dawlada Puntland ayaa kamid noqotay gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Naciimo ayaa 56-cod kaga guulaysatay Saadiq Abshir Garaad oo Baarlamaanka kasoo mid ahaa tan iyo asaaskii Puntland 1998.

Gabadhan ayaa dhawaan warqad codsi ah u dirtay Baarlamaanka, taas oo ay kaga codsatay inay ku taageeraan kamid noqoashada gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland.

Baraha bulshada ayaa maalmihii u danbeeyey laga hadal hayey gabadhan iyo codsiga ay u dirtay Gollaha Wakiilada, iyadoo dadweynuhu uga hadlaayeen siyaabo kala duwan.

Naciimo ayaa laga soo doortaa gobalka Sool, waxayna isu aragtaa inay tahay Wakiilka kaliya ee Baarlamaanka ugu jira haweenka Puntland.

PUNTLAND POST

The post Gabadha kaliya ee ku jirta Baarlamaanka Puntland oo kamid noqotay gudiga joogtada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this