Deeq A. Posted January 21, 2019 Biyo la’aan aad u daran ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Garilley oo ka tirsan Gobolka Gedo, islamarkaana ku taala xuduudda aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya. Fuustadii biyo ah ayaa waxay ka mareysaa Garilley lacag dhan $10 dollar, qiimahaasi oo ah kii ugu sarreeyey. Aar Maxamuud Maxamed oo ah Guddoomiyaha Deegaanka Garilley oo la hadlayey Goobjoog ayaa sheegay in xaaladda Biyo la’aanta in ay gaartey heerkii ugu adkaa, isagoo sheegay in biyaha qura ee hadda deegaanka laga cabo in ay yahiin kuwo ganacsi oo booyado looga keeno dhinaca degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee NFD. Xaaladda meel adag ayeey mareysaa, dadku ma haystaan biyo ku filan, mana ahan kuwo dabooli kara baahida dadka ay qabaan biyaha laga keeno Wajeer Ugu dambeyn, guddoomiyaha ayaa ka codsaday hay’adaha samofalka iyo cid walba oo Soomaaliyeed iney usoo gurmadaan shacabka ku dhaqan deegaanka Garilley. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites