Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo weeraray shirkad ku taalla Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Garissa ( Sh. M. Network )-Taliska Booliska Kenya ayaa sheegay in rag hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay weerareen dhismaha xarun shirkadeed oo laga leeyahay dalka Shiinaha, taas oo ku taalla gobolka waqooyi Bari ee dalkaasi.

Taliyaha Booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa shaaca ka qaaday in kooxdaasi hubeysan ay rasaas ku fureen xaruntaasi oo ku taala deegaanka Shimbirey oo hoos yimaada magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada ammaanku ay ka hortageen weerarkaasi oo uu tilmaamay in uusan geysan wax khasaare ah.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii Al Shabaab weerar xoogan ay ka fuliyeen Hoteel-ka DusitD2 oo ku yaalla magaalada Nairobo ee Caasimadda dalka Kenya.

The post Al Shabaab Oo weeraray shirkad ku taalla Kenya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this