Deeq A. Posted January 21, 2019 Mahadaay ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo soo bilowday shalay gelinkii dambe ayaa waxa uu soo gaaray illaa xalay, iyadoona uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba. Sidoo kale dhinac ka mid ah Maleeshiyaadka, gaar ahaan kuwa weerarka qaaday ayaa la sheegay in ay afduubteen illaa7 Qof oo ka tirsanaa dhinaca kale ee ka soo horjeeday. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona saaka dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Sh/ Dhexe ee maamulka HirShabelle. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites