Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Hani oo dowlada u gudbineysa dhibaatooyin ay sheegtay inay haystaan…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Hani Maxamed, oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa sheegtay iney sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qaban doonto dhibaatooyin ay sheegtay iney u soo gudbiyeen dadka deegaan-doorashadeeda, oo ay fasaxeeda kulamada Golaha Shacabka booqashadii ugu horeysay ugu tagtay iyaga.

“Iinsha Allaah (dhibaatooyinkaas) qaarna waan isla xalinay, inta dhimanna si deg-deg ah ayaan wax uga qaban doonnaa, dawladda aan wakiilka uga nahay shacabkaan ayaana u gudbin doonnaa, iyadaana u heli doonta jawaab ay ku qancayaan dadka aan matalo” ayey Xildhibaan Hani ku tiri dhigaal ay ku soo daabacday Feysbuuggeeda.

Deegaan-doorashada Xildhibaannadda, oo ah magaalada Baydhaba, ayey sheegtay in dhibaatooyinka ka jira ay dadka deegaanka ka haystaan dhinacyada maamulka, cafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada, sida ay hadalka u dhigtay.

Xiligaan oo kale, oo ay Xildhibaannadu fasax ka yihiin kulamada joogtada ah ee Kalfadhiga Baarlamaanka, waxay fursad u haystaan iney dib ugu laabtaan deegaan-doorashadooda, si ay uga marqaati noqdaan dhib iyo dheef waxa haysta dadka iyo deegaanka ay matalaan, kadibna u wajahaan xalka, sida markii ay matalaadda raadinayeenba ay ku doodayeen.

Hase ahaatee, Xildhibaanno aan tiro yareen ayaan taas ku guuleysan, oo waqtigooda fasaxa iyo mar aysan fasax ahaynba ku bixiya Muqdisho ama meel kale oo ka baxsan dalka, halkaas oo ay inta badan ku nastaan. Qaarkood, oo markii hore ahaa qurbo-joog, waxay dib ugu laabtaan qoysaskoodii iyo dalalkii ay dhalashada 2-aad ka haysteen, fursadna isuma helaan dadkii iyo deegaankii ay ku matalayeen Golayaasha Baarlamaanka.

Isha: Kalfadhi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this