Sign in to follow this  
Deeq A.

ABUUKAR Cumar Cadaan oo ka hadlay cidda adkaan doonta DF iyo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaalada guud ee Soomaaliya iyo dagaalka u dhaxeeya Al shabaab iyo dowladda Soomaaliya.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al shabaab uusan u muuqan mid soo dhamaanaya , balse loo baahan yahay in xal loo helo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

Wuxuu sheegay in dagaalka loo baahan yahay xal laga gaaro, maadaama labada dhinac ay Soomaali yihiin, loona baahan yahay in qaab kale loo fakaro.

Wadada kaliya ee u furan labada dhinac ayuu sheegay inay tahay wadahadal inay ku dhameeyaan dagaalka dhexdooda ah, isagana u doorweyn ka ciyaari doono, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan aniga leeyahay, labada dhinac ee dagaalamaya waa Soomaali, iyaga un ayaa is dilaya, kalama adkaanayaan, wadada kaliya ee u furan waxay tahay inay wadahadlaan”ayuu yiri Abuukar Cumar Cadaan.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay barnaamijka iscafinta ee maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay cafiyaan haddii ay isaga wax ka tabanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this