Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasada weerarki sabtida – Axmed Madoobe oo ku soo baraarugay qorshe ay DF Somalia cayaartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo in muddo ah, Axmed Madoobe, hoggaamiyaha maamulka Kismaayo aan dhaafsiinayn ee Jubbaland waxa uu waday dhoolatus ciidan oo uu ku sheegay in uu ku qabsanayo magaalada Bu’aale ee ah xarunta Jubbada Dhexe.

Ma xuma oo waa arrin loo baahan yahay, balse soo sax ma aha in la garto ujeedka iyo xilliga ay ku soo aaday?

Uma baahna sharraxaad dheeri ah oo waxa uu ku soo aadiyey kaddib markii ay dowladda Federal-ka ah isu diyaarisay in ay ugu dambeyn Al-Shabaab ka saarto gobolkaas.

Waa maxay ahmiyadda uu gobolkaas leeyahay?

Bu’aale oo ah xarunta Jubbada Dhexe waa caasimadda maamulka Jubbaland, taas waxa ay ka dhigan tahay in haddii ciidamada dowladda qabsadaan oo hore u haystay Gedo in Madoobe oo waqtiga uga egyahay bisha Agoosto 2019 gudkiisii biyo ugu soo galeen.

Marka uu mudo xileedka ka dhammaado, haddii uu diido ama isku dayo car qaladeynta doorashada, dowladda waxa ay awoodi doontaa in ay Caasimadda sida sharcigu yahay ku qabato doorashada, halkaas looga taqaluso Madoobe oo dekedda Kismaayo aan ka ag fogeyn!

Taas oo uu ka dharagsan yahay, Axmed Madoobe waxa uu hurdada uga soo toosay dhaqdhaqaaqa dowladda oo waxa uu bilaabay dhoolatusyo looga baahnaa waqto hore.

Al-Shabaab oo ka jawaabaya arrintaas waxa ay weerar uga qabsadeen Baar Sanguuni iyaga oo ay argagixisdu sheegatay in ay hub iyo gadiidba ka qabsadeen ciidamada Jubbaland.

Hadaba, muxuu ka baran karaa Madoobe dhacdadaas?

Axmed Madoobe waxa uu ka baran karaa arrintaas in haddii uu isku dayo dagaal uu kaligiis qaado oo aysan dowladda ku garab siineyn uu la kulmi karno jab weyn, oo sumcaddiisa iyo maamulkiisa dhaawici kara.

Waxaa habboon in uu dowladda ciidankeena la shaqeeyo maadama ay hal cadow leeyihiin, haddii kale cidlo inta laga helo ayu halaagi doonaa wiilasha dhallinyarada ah ee uu furumaha soo dhoobay.

Weerarkii sabtida Al-Shabaab jab weyn ayaa ku gaaray, sidoo kalena Axmed Madoobe. Markii Shabaabka laayeen ciidanka Madoobe, oo ay soo baxeen ayaa waxaa weeraray oo ayagana laayey duqeymaha Mareykanka. Haddii aysan sidaas dhicin Axmed Madoobe wuxuu dhex fadhin lahaa hab weyn.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this