Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo qaab cusub u ansixin doono wasiirada maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Golaha wakiilada Puntland ayaa la sheegay in qaab cusub oo horey aan loo arag ay u ansixin doonaan xukuumadda uu soo dhisayo madaxweynaha cusub ee Puntland.

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo yeelanaya kulamadooda caadiga ah ayaa sheegay in sanadkaan ay ka duwanaan doonaan xildhibaanadii hore ee Puntland, iyaga oo sheegay in shaqsi shaqsi ay u ansixin doonaan golaha wasiirada cusub ee Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo golaha wasiirada maamulkiisa, waxaana kadib ay sugayaan codka kalsoonida baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Dheere oo kamid ah golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay inay qaban doonaan shaqooyin badan oo baarlamaanka horyaala, waxaana ugu horeeya inay mid mid u ansixiyaan wasiirada cusub.

“Wey kamid aheyd ajandayaasheena inaan mid mid ah u ansixino golaha wasiirada, ma dooneyno inaan duuduub u ansixino, laakiin hadda waxay  u badan tahay inaan mid mid u ansixino golaha wasiirada, qorshahaana waa mid baarlamaanka ay soo jeedeen kuwa kalana wey ku raaceen”ayuu yiri Xildhibaanka.

28-ka Bishaan Janaayo ayaa madaxweynaha cusub laga filayaa inuu soo magacaabo golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland, waxaana ka horeysa munaasabada caleemo saarka oo ka dhacaysa magaalada Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this