Deeq A. Posted January 20, 2019 Hargeysa (Sh.M.Network) – Maxamed Jaamac Abgaal, oo horey usoo noqday Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee maamulka Somaliland, xukuumadii Axmed Siilaanyo, ayaa qirtay inuu lunsaday hanti dadwayne. Mr Abgaal oo wareysi siiyay mid kamid ah TV-yada ku hadla afka Soomaaliga ayaa daboolka ka qaaday in talaabadaasi uu qaaday uu ka dhex-lay cuduro, kuwaasi oo uu xusay inuu haatan la tacalaayo sidii uu uga soo kaban lahaa. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu si cad u sheegay inaanu dib dambe uqaban doonin xil, wuxuuna sababta ku sheegay in mushaarka uu qaato aanu ku filneyn, taasoo ku qasbeysa inuu gacan-bidaxeeyo hantida Umadda, siduu hadalka udhigay. Waa mas’uulkii ugu horeeyay guud ahaan Soomaaliya kaasi oo xilka Wasiir soo qabtay ee qirtay inuu lunsaday lacago musuq-maasuqay. Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo ayaa ku howlan sidii ay uciribtiri lahayd musuq-maasuqa oo la sheego inuu kamid yahay waxyaabaha hoos udhigay dowladnimada dalka. The post Wasiir hore oo qirtay inuu lacago musuq-maasuqay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites