Deeq A. Posted January 20, 2019 Garowe (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Wakiilada Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo] ayaa maanta magacaabay Guddiga doorashada ee Guddiyada joogta ah ee Baarlamaanka maamulkaasi. Xubnaha Guddiga uu magacaabay Gudoomiyaha ayaa ka kooban saddex xubnood oo ah Xildhibaano oo ka tirsan Gollaha Sharcidejinta. Mudanayaasha xubinta ka ah Guddiga ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Muuse Xasan iyo Cali Axmed Saalax. Xubnaha Guddiyada joogatada ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa inay ka koobnaadaan min 10 xubnood, oo leh saddex Gudoomiye, oo lagu xulayo hanaan awood qaybsiga gobolada dowlad goboleedkaan. The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Guddi magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites