Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo shaaciyay in shacabkii lagu laayey isgoyska Zoobe uu uga aarguday Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa shaaciyey in ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho looga aarguday Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in jabkii gaaray Shabaabkii soo weeraray shalay xerada Baar Sanguuni, oo looga dilay ku dhowaad 70 askari, uu aargud u ahaa shacabkii ay ku laayeen isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Axmed Madoobe, ayaa markale shaaciyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, saacado uun kadib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhiga Baar Sanguuni.

Isaga oo ku sugan degmada Dhoobleey ayuu sheegay in ciidamada Jubbaland ay ku jiraan heegan adag, islamarkaana dhawaan ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab saacadaha soo socda ay ka saari doonaan deegaano badan oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana ahmiyadooda koowaad ka dhigay sidii ay u qabsan lahaayeen degmada Bu’aale.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu Dhoobleey kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

“Waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Al-Shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada”

“Wuxuu ku dheeraday Madaxweynahu in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka” ayaa lagu yiri qoraalka

1-8-1.jpg 2-6-1.jpg 3-6-1.jpg 4-3-1.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this