Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Labada sano ee soo socota lama qaban doono mooshin Farmaajo ka dhan ah (Heshiis cusub)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, labada sano ee soo socoto lama qaban doono mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo sida ay ku heshiiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Madaxweyne Farmaajo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay in labada mas’uul ay ku heshiiyeen in muran siyaasadeed oo kale uu dhaawac xooggan gaarsiin doono dowladnimada, sidaas darteed la isku raacay inaan la qaban mooshin ka dhan ah Madaxweynaha ama Guddoomiyaha Baarlamaanka inta ka dhiman waqtiga Dowldda Nabad iyo Nolol.

Guddoomiye Mursal ayaa beddelkeeda loo ballan qaaday in kaalin weyn laga siiyo go’aanada siyaasadeed ee dowladda, oo markii hore uu u muuqday nin dibad joog ka ah, sidoo kalena dad ku dhow xilal loo magacaabo.

Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale loo saxiixay in hadda wixii ka dambeeyo lagala tashan doono go’aanada ay dowladda ka qaadan doonto Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu kasoo bixi doono heshiisyadaas isla markaasna uu si wanaagsan ula shaqeyn doono Dowladda Soomaaliya.

Mursal ayaa sidoo kale loo xil saaray in Beelaha diiday Madaxweyne Lafta Gareen lagu qanciyo inay taageeraan, wuxuuna durba bilaabay inuu la kulmo odayaasha Beelaha Koonfur Galbeed.

Heshiiskaan ayaa imaanayo xilli dhawaan uu dhashay khilaaf xooggan oo ku saabsanaa Mooshin uu qabtay Mursal kaasoo ka dhan ahaa Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Mursal ayaa mooshinkaas qabtay kadib markii Dowladda Soomaaliya ay soo xirtay Mukhtaar Roobow iyadoo aan lagala tashan Guddoomiye Mursal oo deegaan ahaan halkaas kasoo jeedo, sidoo kalana waxaa la isku qabtay kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Khilaaf dheer kadib Guddoomiye Mursal ayaa lagu qanciyey inuu burburiyo mooshinka kadib kulan xasaasi ah oo dhex maray isaga iyo madaxda ugu sareyso dalka.

Mursal oo markii horeba ay keentay Dowladda Soomaaliya ayaa ka cabanayey inaysan Dowladda kala tashan go’aankii ay ka qaadatay Maamulka Koonfur Galbeed.

Lama ogo sida uu heshiiskaan ku hirgeli karo maadaama ay dowladda leedahay mucaarad aad u xooggaan oo mar kasta isku dayi karo inay mooshin ka keenaan madaxda ugu sareyso dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this