Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin ajnabi ah oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde isaga oo wata wax laga shakiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay nin ajnabi ah oo la sheegay in laga shakiyey, sida ay ilo-wareedyo ku sugan u sheegeen Caasimada Online.

Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa wararka ay sheegayaan inuu u dhashay dalka Mareykanka, una socda magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines.

Sida ay ilo-wareedyo, lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, boorso uu watay ninkan ayaa laga helay gasacado ay ku jiraan sunta dadka ka ilmaysiisa, lamana yaqaan waxa uu ka damacsanaa.

Ninkan ayaa waxaa hadda loo gudbiyey xarunta dambi-baarista booliiska ee CID-da, halkaasi oo kiiskan baaritaan dheeri ah lagu samaynayo.

Dowladda Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda wax faah-faahin ka bixin arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this