Deeq A. Posted January 20, 2019 Wabiga Shabelle oo sanadkan biyo yareeyay roobabkii xilliga deyrta awgeed ayaa sababay in deegaanno badan ay ka dhacdo biyo la’aan kuwaas oo hoos yimaada goballada shabeellaha dhexe iyo Hiiraan. Iyadoo dadku ay biyaha ka heli jireen wabiga iyo barkado biyaha roobka lagu keydiyo ayaa waxaan jirin ceelal riigag ah oo ku yaala dhulka uu maro wabiga Shabelle ee labadasi gobal marka laga reebo magaalada Jowhar ee xarunta Shabellaha dhexe. Agaasimaha wasaaradda biyaha, macdanta iyo tamarta dowlad gobaleedka Hirshabelle Cabdiwali Maxamed Jaabir oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay xaaladda biyo la’aaneed ee ka jirta gobalalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe waxa uu sheegay in dadka cabitaan u yahay biyaha wabiga wax waliba ay u isticmalaan dadka deggan tuulooyinka ka fog wabiga ay biyaha roobka ay ku keydsadaan barkadaha dhulka laga qodo. ‘Dadku waxa ay cabaan tubooyin laga soo jiiday wabiga oo kaloorina lagu daray, magaaladda Balaweyne biyaha wabiga laga soo jiido ayaa haamo lagu shubaa kadibna xaafadaha ayaa loo qeybiyaa, sidoo kale waxaa jiro warshadaha biyaha sameeyo kuwaas oo fiil-tareyo biyaha wabiga, dadkana dib uga sii iibiya, waxana iibsada dadka awoodda, mana jiro wax ceel riig ah oo ka qodan magaalada Baladweyne” sidaasi waxaa yiri Cabdiwali Maxamed Jaabir. Sidoo kale Agaasimaha oo warkiisa sii wato ayaa sheegay in dadka kale ee ku nool tuulooyinka wabiga uu maro ay cabaan biyaha wabiga iyo barkado biyaha roobka lagu keydiyo marka wabiga uu biyo yareeyo ama roobka la waayo isaga oo yiri “Dadka tuulooyinka ku nool sidoo kale waa ay cabaan aadna u isticmaalaan biyaha wabiga iyo baraagaha kaydiya biyaha ilaa sanadka danbe laga gaarayo ayey is ticmaalaan, sida aan ognahay sanadkan wabiga oo biyo yareeyay iyo roobabka oo aad u yaraaday waxa ay kaliftay in biyo la’aan weyn laga dareemo tuulooyin iyo dagmooyin hoos yimaada gobalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe waxana naga soo gaarayo cabasho sida Matabaan, Maxaas iyo Far libaax oo ay ka jirto xaalad biyo la’aaneed maadama dadka reer guuragaa sanadkaan ayna helin roobabkii Deyrta” Dhanka kale Agaasimaha ayaa hadlay uga qorshesan mustaqbalka dhow xaaladda biyo la’aan ee marwaliba ay wajahaan labadan gobal sida ay rabaan in ay u maareeyaan hadii ay yihiin maamuka Hirshabelle. “Hadda waxaan bilaawnay inaan biyo u dhaaminno tuulooyinkii ay cabashada naga soo gaartay, waxaana lageeyay booyado biya ah maadama maamulka uu yahay maamul curdun ah, wasaaraddu wax badan ayey qabatay dowladda dhexe wax badan ayaan ka sugaynaa , waxaa inoo qorsheesan sanadkaan inaan samayno biyo xireeno kuwaas oo looga faa-iidaysanayo inay kaydiyaan biyaha baxa xiliyada wabiga uu fataho. Sidoo kae waxaa inoo qorshaa inaan deegaano badan saarno ceelal riig ah kuwaas oo qeyb ka qaata in laga gudbo biyo yarida in badan ku soo laablaabata labadaan gobal wabigana laga qaado culeeska si mudo dheer biyaha uu u hayo loona is ticmaalo waraabka beeraha oo kaliya” Deegaanada hoos yimaada maamulka Hirshabelle ayaa marwaliba waxa ay wajahaan biyo la’aan waqtiyada wabiga uu biyo yareeyo iyo marka la waayo roobka ayoo ayna jirin wax ceelal riig ah oo hada ka shaqeeyo deegaanada uu maro wabiga shabelle ee labada gobal marka laga reebo magaalada jowhar Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites