Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubbaland Oo Gacanta Ku Dhigay Waxyaabaha Maanka Dooriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha Maanka dooriya.

Ciidamadan oo ahaa kuwa Booliiska ayaa qabtay nin la sheegay inuu waday 28 KG oo ah maandooriyaha loo yaqaan xashiishka.

Saraakiisha Booliiska Kismaayo oo maanta la hadlay saxaafadda waxa ay sheegeen in cadaaladda la horkeeni doono shaqsigii waxyaabahan watay.

Marar badan ciidamada Jubbaland ayaa sidan oo kale waxa ay usoo qabteen rag watey waxyaabaha Maanka dooriya.

001.jpg 002.jpg 003.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this