Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Maxaabiis Ka Baxsatay Xabsiga B/weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidanka Asluubta ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney ku raad Joogaan Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga magaalada B/weyne.

Taliyaha ciidanka Asluubta ee Hiiraan, Korneel Faarax Cali Macow ayaa u sheegay Goobjoog in maxaabiistaasi oo gaareysa Lix ay jabsadeen Darbiga sidaasina ugu suurtagashay iney baxsadaan.

Waxa uu sheegay taliyaha in hadda ay raadinayaan maxaabiistaan, islamarkaana ay dib ugu soo celin doonaan xabsiga.

Dhanka kale, taliyaha ayaa sheegay in xabsiga dhexe ee B/weyne uu yahay mid u baahan dayactir xooggan, islamarkaana xilli walbo la filan karo in falalkan oo kale dhacaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODKA-XABSIGA.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this