Deeq A. Posted January 20, 2019 New York ( Sh. M. Network )-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyntii shalay ka dhacday deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubadda Hoose, taas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay duqeyntan ay jawaab u aheyd weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidan oo ku yaalla deegaankaasi. Mareykanka ayaa shaaciyay in duqeyntaasi ay ku dileen 52 ka tirsanaa Al Shabaab, kadib markii gantaal lala helay Gaari ay saarnaayeen, sida lagu yiri qoraalkan Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in uu sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Muddooyinkii la soo dhaafay dowladda Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gudaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 52 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites