Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland Oo Kismaayo ku soo bandhigtay Maandooriye

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay waxyaabaha Maanka-Dooriya, kadib howlgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha amniga ayaa 28 KG oo ah waxyaabaha Maanka-Dooriya iyo ninkii siday ku soo bandhigay xarunta Booliska ee magaaladaasi.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in la qabtay Raggii Maan-Dooriyahaasi soo galiyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Kaptan Cumar Xujaale Cabdi oo ah madax baarista ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi,

Waxaana uu sheegay in Maandooriyaha ay gacanta ku dhigeen laga keenay gudaha magaalada Muqdisho.

Ammaanka Kismaayo ayaa  maalmihii la soo dhaafay si aad ah loo adkeeyay, iyadoona Ciidamada amnigu ay howlgallo ka wadeen magaaladaasi.

The post Jubbaland Oo Kismaayo ku soo bandhigtay Maandooriye appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this