Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo ka qeyb qaadatay howlgalkii Baarsanguuni

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Milateriga dalka Itoobiya ayaa sheegay in Ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya ay ka qeyb qaateen howlgal ka dhan ahaa Al Shabaab oo shalay ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya ayaa xusay in howlgalkaasi ay iyagu iyo Ciidamada DFS oo iskaashanaya ay ku dileen 60 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Telefishinka Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in xilliga uu howlgalka dhacayay ay Al Shabaab doonayeen in weerar qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanadkaasi.

Sidoo kale wasiirka Difaaca Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay dhawaan qaadayaan duulaan ka dhan ah Al Shabaab.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga illaa iyo afar kun oo Askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMSIOM.

Al Shabaab ayaa dhawaan weerar khasaare geystay ku qaaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo marayay degmada Buurhakaba ee gobalka Baay.

The post Itoobiya Oo ka qeyb qaadatay howlgalkii Baarsanguuni appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this