Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Ajnabi ah Oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Garoonka Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee M/ Muqdisho ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay nin Ajnabi ah oo looga shakiyay in uu sido walxaha qarxa lagu qabtay Garoonkaasi.

Ninkan ayaa la sheegay in lagu qabtay qeybta ugu dambeysa ee baarista Garoonka, xilli uu doonayay in uu ka dhoofo halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkani uu ku qornaa Flight-ka diyaarada Ethiopian Airlines, iyadoona la soo warinayo in laga reebay duulimaadkaasi.

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi, iyagoona u soo gudbiyay qeybta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkani dhalasho ahaan uu ka soo jeedo dalka Koonfur Africka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen ninkaasi.

DFS ayaa wax badan ka bedashay amnigao Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, si loola socda dhaq dhaqaaqa dadka ka dhoofaya Garoonka iyo kuwa ka soo dagaya intaba.

The post Nin Ajnabi ah Oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this