Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Rag hubeysan ku qabatay xadka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen labo nin oo Soomaali ah, islamarkaana hubeysan, kuwaas oo doonayay in ay gudaha u gaalaan dalkaasi.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in Raggani nin Dawaral ah uu ka soo qaaday deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose, islamrakaana ay ka codsadeen in uu geeyo deegaanka Hamay ee xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ku dareen in markii ay tageen halkaasi ay dalbadeen in markale la geeyo deegaanka Xagadheera ee Kenya, islamarkaana uu marsiiyo wado qardo jeex ah arrintaasi oo shaki galisay Dawaralkii waday Gaariga oo Booliska Kenya aysan shaacin magaciisa sababo amni darteed.

Booliska ayaa sheegay in Darawalkii uu labadaasi nin si lama filaan ah uu u geeyay saldhig ay lahaayeen Ciidamada Booliska, kuwaasi magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Xasan Maxamed  iyo Ibraahim Cali Guyo.

Saraakiisha Booliska ayaa xusay in Raggaasi lagu qabtay Hub ay ka mid yihiin Bistoolado iyo sidoo kale Raasaas fara badan iyo Budo Cad, taas oo ay haatan u direen Sheybaarka si baaritaano loogu sameeyo.

Ugu dambeyn Booliska ayaa sheegay in xubanahani looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin  Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya

Dhawaantan ayey aheyd markii Al Shabaab ay weerareen hoteel nuuca raaxada ah  oo ku yaalla magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

The post Kenya Oo Rag hubeysan ku qabatay xadka Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this