Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Gaadhay Magaalada Addis Ababa Iyo Ujeedada Safarkiisa Iyo Cidda Uu La Kulmayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in uu magaalada Addis Ababa kulamo kula qaadanayo masuuliyiin dawladda dhexe ee Itoobiya ah iyo kuwo dawlad degaanka Soomaalida ah.

“Xalay waxa aan soo gaadhay Magaalada Addis Ababa oo aan muddo kooban joogayo si aan ula kulmo saraakiil ka mid ah dawladda dhexe ee Itoobiya iyo madax ka mid ah madaxda Kililka Soomaalida ee Itoobiya,” Dr Cirro ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu ku faafiyay boggaggiisa baraha bulshada.

Guddoomiyaha Waddani waxa uu todobaadadii u dambeeyay ku sugna magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya halkaas oo uu kulamo kula lahaa wakiillada beesha caalamka ee daneeya doorashooyinka oo muran ka taagna muddooyinkii u dambeeyay.

Waraysi uu dhawaan siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uu daneeyeyaasha caalamiga ah kala hadlay mawqifkiisa arrimaha doorashooyinka. Arrimahan ayaa imanaya xilli ay taaggan yihiin ismari waa u dhexeeya xisbiyada waxaana daawaha saaran muddo kordhinta wakiillada.

Dr Cirro ayaa u muuqda in uu dhinaca beesha caalamka kaga firfircoon yahay madaxweyne Biixi marka la eego socdaalladiisa u dambeeyay iyo kulamada danjireyaasha caalamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this