Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeisa: Dowladda Hoose Oo Burburisay Xarumo Ganacsi Yaryar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda hoose ee magaalada Hargeysa ayaa saaka burburisay ganacsiyada yaryar ee waddada hareeraheeda ee suuqa, waa goob ku taalo bartamaha magaalada.

Maamulka magaalada waxaa uu sheegayaa inay sidan u sameeyeen si ay waddada u baneeyaan, laakin arrintaas waxaa dood ka keenay ganacsatada.

Dadka halkan ku ganacsada oo u badan danyar ayaa ku doodaya in iyadoo aan la siin ogeysiis la burburiyay ganacsiyadoodii.

Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa dadkan ka qaadan jirtay canshuurro kala duwan, waxayna intooda badan sheegayaan in aanay jirin meel kale oo ay uga maarmi karaan waddada hareeraheeda.

Horey ayaa sidan oo kale loo burburiyay ganacsiyadan yaryar, balse muddo kooban ka dib halkoodii ayay kusoo noqdaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this