Deeq A. Posted January 20, 2019 Baladweyne ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Baladweyne ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay gudaha magaaladaasi. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, loogana hortagayay falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Ku dhawaad 10 ruux ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay howlgalkaasi, kuwaas oo lagu xiray Saldhigga Baladweyne. Inta badan Ciidamada amniga ayaa howlgallo xoogan ka sameeya degmada Baladweyne iyo nawaaxigeeda. The post Howlgal ballaaran Oo xalay laga sameeyay Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites