Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan ka dhacay Garbahaarey Oo fashil ku soo dhamaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey ( SH. M.Network )-Kulankan oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayna ka qeyb galeen, wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda amniga maamulkaasi Maxamed Cabdi Kaliil iyo Saraakiil Ciidan ayaa fashil ku soo dhamaaday.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa la sheegay in shirkan uu ku soo bandhigay arrimo ku aadan siyaasadda Madaxweyne Axmed Madoobe, qorshahaasi oo ay caroodeen xubnihii ka qeyb galayay kulankaasi.

Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabihii uu isku casilay ay ka mid aheyd maamul xumida haatan ka jirta deegaanada maamulkaasi, islamarkaana uu ka soo horjeedo in markale xilkaasi loo doorto Madaxweyne Axmed Madoobe.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gobolka Gedo ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeeday madaxda uu watqiga ka sii dhamaanayo ee Jubbaland.

The post Kulan ka dhacay Garbahaarey Oo fashil ku soo dhamaaday appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this