Deeq A. Posted January 20, 2019 Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Qoysas hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay Biyo la’aan darteed ay uga barakaceen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Deegaanada ay Biyo la’aantu ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Daabley, Girinley iyo Faxfaxdhuun oo ka wada tirsan gobolkaasi. Xaalado aad u daran oo la xariira dhinca nolosha ayaa laga soo sheegayaa deegaanadaasi, taas oo sababtay in dadku ay ka hayaamaan halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax gaar gaar ah ama caawimaad ah oo ay heleen dadkaasi dhibaateysan. Gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka dhinaca nolosha, gaar ahaan Biyo la’aanta. The post Biyo la’aan baahsan Oo ka jirta gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites