Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo war ka soo saaray duqeyntii Araare

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay ilaa 52 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku dileen duqeyntii shalay ka dhacday gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan Afrikom ayaa lagu sheegay duqeyntu ay jawaab u aheyd weerar subaxnimadii hore ee shalay Al-shabaab ku qaadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee ku sugan degaanka Baar-sanguuni.

Talisku wuxuu intaasi raaciyay in gantaal lala beegsaday gaari ay saarnaayeen malayshiyaadka oo marayay meel u dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose balse aan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah..

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ee ku sugan degaankaasi ayaa sheegay in isu’geyn wax ka badan 80 dagaallame Al-shabaab looga dilay dagaalkii shalay iyo duqeyntii ku xigtay ee lala beegsaday.

Sawirro laga soo qaaday halka duqeyntu ka dhacday ayaa muujiyay gaari nooca xamuulka ah oo gebi ahaanba burburay iyo maydad badan oo dushiisa iyo hareerihiisa waran kuwaasoo qaarkood ay si ba’an u gubteen.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo war ka soo saaray duqeyntii Araare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this