Sign in to follow this  
Deeq A.

Abuu Muscab “Weerarkii Ciidamada Ethiopia wuxuu Jawaab u ahaa Heshiisyadii Farmaajo saxiixay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeenka dhanka dagaalada Al Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay waxa uu ka dhignaa weerarkii Al shabaab ay la eegteen ciidamo Ethiopian ah.

Ciidamada Ethiopia ayaa weerar gaadmo ah kala kulmay ciidamada Al shabaab xili ay ku sugnaayeen inta u dhaxeyo magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba, sida uu sheegay afhayeenka u hadlay Al shabaab.

Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 57 askari Ethiopian ah, ayna ku gubeen todobo gaadiidka dagaalka ah, sida uu hadalka u dhigay afhayeenka dhanka howlgalada Al shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkaasi uu Jawaab u ahaa heshiisyada madaxweyne Farmaajo uu la galay Ethiopia, gaar ahaan heshiisyadii dhanka dekadaha oo Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Ethiopia iyo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa dadka ciidamada Ethiopia ay ku dileen gudaha Soomaaliya iyo dhibaatada Soomaali galbeed ay la kulmaan.

Sheegashada Al Shabaab ee ah inay inka badan 50 askari ku dileen Buurhakaba ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Ethiopia iyo saraakiishooda oo xaqiijinaya khasaaraha weerarkaasi.

Al shabaab ayaa weerarkii Nairobi ay ka fuliyeen sheegay inuu jawaab u ahaa aqoonsiga Qudus Mareykanka u aqoonsaday inay tahay caasimada maamulka Yahuuda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this