Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay duqeymo lagu dilay 60 Al shabaab ka tirsan oo ka dhacday Jubbooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka geysteen gobolka Jubbada Hoose, taasi oo la shaaciyay in dagaalyahano badan lagu dilay.

Jubbaland ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad 70 dagaalyahan oo ka tirsan AL shabaab, waxaana saraakiisha ciidamada DANAB ee kusugan Jubbooyinka ay sheegeen in duqeynta lagu burburiyay gaadiid Al shabaab lahayeen.

Duqeynta ayaa dhacday kadib markii ciidamada Al shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo saldhiga kala soo baxay gaadiid iyo saanad ciidan.

Iyaga oo la socday gaari Shabaqle ah ayaa lagu duqeeyay meel duleedka ka ah deegaanka Baar Sanguuni, waxaana la arkaayay meydad gubtay, gaadiid burbursan iyo waxyeelada ka dhalatay weerarka.

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Africa ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al shabaab, waxaana ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa sidoo kale soo baxaya in duqeyn kale ay ka dhacday meel u dhow degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay Al shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this