Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Askari British ah oo Al-Shabab kula dagaalay hotelka DusitD2 oo qalad dhacay loo soo saarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online)-Saraakiil u hadashay dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in cabsi darteed ay dalka Kenya kaga saarayaan askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska ee badbaadada dadka la afduubto iyo la dagaalanka Argagixisada oo loo yaqaan Special Air Service (SAS).

Askarigan ayaa la arkay wajigiisa, kadib markii Al shabaab ay weerareen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay in loo baqayo xaaladiisa dhanka amaanka sidaasina looga saarayo dalka Kenya.

Askariga ayaa la sheegay in xiliga weerarka dhacayay uu ku maqnaa dukaameysi, balse markii uu maqlay weerarka ayaa la sheegay inuu soo qaatay qalabkiisa, waxaana la arkay isaga oo dad kasoo badbaadinaya hotelka.

Mid kamid ah Kaamirooyinka wariyaasha ay wateen ayaa si qalad ah u qabatay muuqaalka askariga ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska, waxaana uu qabsaday baraha bulshada, taasi oo dhalisay in loo cabsado amaankiisa, maadaama la arkay wajigiisa.

Askariga ayaa la arkay isaga oo gudaha u galay goobta la weeraray, waxaana durba uu bilaabay inuu soo badbaadiyo dad badan oo ku go’doonsanaa Hotelka, gaar ahaan dabaqa hoose.

Baraha Bulshada ayuu caan ka noqday, waxaana la sheegay inuu noqday geesi soo badbaadiyay dad badan noloshooda.

1-8.jpg 2-7.jpg 3-7.jpg 4-6.jpg 5-4.jpg 6-3.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this