Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda UK oo Mareykanka ka dalbatay ka laabashada go’aan uu ka qaatay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay go’aan dowladda Mareykanka ay ka qaaday Soomaaliya kaasi oo la xiriira inay dhimeyso ciidamada ka joogo Soomaaliya.

Kadib weerarkii ay Alshabaab isbuucii hore ka geysteen Hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi, waxaa soo baxayay warar sheegaya in Mareykanka uu dhimayo ciidamada kaga sugan Soomaaliya.

Wargeyska The Telegraph oo kasoo baxa magaalada London ayaa baahiyay in saraakiil u dhalatay Ingiriiska ay kala hadleen Mareykanka ka laabashada qorshaha uu ku dhimayo ciidamada ka joogo Soomaaliya.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay bishii June ee sanadkii hore sheegeen inay kala-bar  dhimi doonto tirada Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ee Hawlgalladda  ka wada qaaradda Afrika seddexda sanno ee soo socta.

Ku dhawaad 500 oo askari ayaa Mareykanka ka jooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababara ciidamada dowladda, waxaana saldhig weyn ay ku leeyihiin deegaanka Bali Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain waxa uu ka gaabsaday haddii ay Codsi rasmi ah u direen Maraykanka, ama ay kala hadleen arin la xiriirta Hawlgalaldda Ciiddanka Gaarka ee Maraykanka ka fuliyaan Somalia.

Wargeyska The Telegraph waxaa kale oo uu qoray inay Dowladda Britain marmarka qaarkooda qaadaan inay hoggaamiyaan sidii looga hortegi lahaa khatarta ka jirta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this