Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaska Iyo Aabbaha Dhalay Ninkii Isku Qariyay Weerarkii Dhismaha Dusitd2 Oo La Xidhey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Xaaska iyo aabaha dhalay ninkii isku qarxiyay weerarkii Salaasadii la soo dhaafay lagu qaaday Dhismaha DusitD2 ayaa lagu xidhey magaalada Mombasa sida ay sheegeen Booliska dalka Kenya.

Mahir Khalid oo la sheegay inuu ahaa qofkii isku qarxiyay afaafka hore ee Dhismaha DusitD2 ayaa aabihii Khalid Riziki iyo xaaskiisa waxaa su’aalo weydiinaya kooxaha baaraya weerarkii DusitD2.

Booliska ayaa waxa ay sheegeen in xaaska Mahir oo magaceeda lagu sheegay Suhaila Mwalim Bakari ay xiriir toos ah la lahayd Mahir kahor weerarkii Talaadadii.

Sida ay Booliska Kenya sheegayaan Mahir ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Mombasa,waxana uu ka soo laabtay dalka Soomaaliya 13kii bishan kadib markii uu tababar muddo sanad ah soo qaatay.

Wararka la xidhiidha baadhitaanka dadkii xidhiidhka la lahaa raggii weeraray Hotel Dusit2D ayaa sheegaya in ay Booliska Kenya ay baadigoob ugu jiraan haweeney magaceeda la yiraahdo Kemunto Omwoyo taasoo ahayd xaaska mid kamid ah dadkii weerarka ka geystey magaalada Nairobi Cali Salim Gichunge.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this