Deeq A. Posted January 20, 2019 Taliska Mareykanka ee Africa(AFRICOM) oo qoraal ka soo saaray duqeyn ay sheegeen inay sabtidii ka fuliyeen gobolka Jubadda dhexe, meel u dhow Jilib ayey ku shaaciyeen in Al-shabaab ay halkaasi uga dileen ilaa 52 qof. Mareykanka waxaa ay intaasi ku dareen in duqeyntan ay jawaab u aheyd weerar ay Al-shabaab ku qaadeen fariisinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay halkaasi ku lahaayeen. AFRICOM waxaa ay leedahay ujeedkeenna waa ka hortagga in Al-shabaab aaney helin gabbaad iyo inay caqabad ku noqdaan howlaha banii’aadnimada. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites