Sign in to follow this  
Deeq A.

Sadex arrin oo keenay inay dhalinyarada si khaldan ugu milmaan siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhalinyaradu waa jiilka mustaqbalka ay ummad kasta ku tashato. Waxay muhiim u yihiin dadka iyo dalka. Sidaas daraadeed, ayey waddamada horumaray, waxay amin iyo enerji geliyaan dhalinyarada, sida caafimaadkooda, waxbarashadooda iyo mustaqbalka waxa ay noqon lahaayeen.

Dhalinyaradu, waxaa laga ilaaliyaa inay siyaasadda faraha lasoo galaan, maxaa yeelay waxey leeyihiin awood balaaran oo aan loo babac dhigi Karin. Si looga weeciyo, ayaa lagu mashquuliyaa, waxbarashadada, xirfadaha, sportis-ka sida, ciyaaraha kubada cagta, sido kale waxaa lagu jeediyaa waxyaabaha maadda ah sida, daawashada aflaamta, muusikada, tartamada IWM.

Soomaaliya, tan iyo buburkii dowladdii kacaanka, dhalinyaradu waxay ahaayeen kuwa loo adeegsaday duminta dowladnimada, dagaaladii dalka ka dhacay, sidoo kale colaadihii sokeeya ee dalka soo maray. Waxayna inta badan ahaayeen kuwa loo adeegsado qaab qabiil iyo qaab kooxo diimeed.

Haddaba waayahan danbe, waxaa si aad ah usoo batay dhalinyaro si xowli ah uga qeyb qaadanaya siyaasadda dalka af iyo adinba. Qaarkood ayaa xilal ka haya dowladda, qaar waa mucaarad, qaarna si toos iyo si dadban ayey uga qeyb yihiin siyaasadda.

Dhaba ahaanti, waa wax fiican in dhalinyaradu siyaasadda soo galaan xilalna ka qabtaan, laakin waqtigan la joogo sidaas si ka duwan ayey ugu milanyihiin siyaasadda.

Waxa ay weli dhibane u yihiin siyaasiyiin daneysta ah, Iyadoo keliya tixgelin la siiyo xilliyada loo baahnyahay. Waxa ay noqdeen hubka loo adeegsado xasaradaha markaas dalka ka taagan. Sido kale Waxay noqdeen xaabo dabka lagu sii holciyo.

Haddaba maxaa sababay inay dhalinyaradu si khaldan ugu milmaan siyaasadda?

1) – Qabyaalad

Qabyaaladda oo ah cudurka ugu daran ee soomaalida ku habsaday ayaa misana noqday mid dhalinyarada saameyn weyn ku yeeshay. Tusaale; waxaad ku arkeysaa baraha bulshada, dhalinyaro si indho la’aan ah u garab taagan siyaasi ku heyb ah, iyagoo amaantiisa iyo difaaciisa har iyo habeen heegan uga jira khalad iyo saxba. Danta guudna waxaa kala weyn danta gaarka ah ee beeshooda. Waxeyna noqdeen qaar u adeega iyo qaar u alalaasa. Waxaana taas ugu wacan, iyadoo aysan dhalinyaradu helin dowlad baahidooda daboosha.

2) – Shaqo la’aan

Somaaliya, oo dhalinyarada lagu qiyaaso inay yihiin %70, haddana waxaa dalka ka jirta shaqo la’aan aad u baaxad weyn, taasoo sababtay, dhalinyaradu inay noqdaan kuwa ku mashquulay howlo kale. Waxayna dhalinyarada qaar ku milmeen siyaasadda iyagoo u arkay fursad ay xil iyo xoolaba ku heli karaan. Waxay sido kale keentay in qaarkood inay shaqaaleysiiyaan siyaasiyiin iyaga ku heyb ah, si fikirkooda u faafiyaan amaba afkooda iyo aqoontooda wax loogu dhaliilo ama loogu dumiyo, xoogaa dhaqaale ahna lagu siiyo. Qaarna ciddii dhaqaalo siisa ayey u carab laalaadiyaan, hadba howshii la doono ayaana loo adeegsadaa.

3) – Duruufo dhaqaale

Maadaama shaqo la’aan baahsan dalka ka jirto, dhalinyarada waxaa heysta duruufo dhaqaale, sidas daraadeed, qaarkood ayaa si dadban iyo si toos ayey dhaqaalo uga hela siyaasiyiin ku heyb ah. Tusaale; dhalinyarada qaarkood ayaa waxaa dhaqaalaha waxbarashada ka bixiya siyaasiyiin ay isku heyb yihiin, sido kale qaarkood waxaa shaqooyin usoo dhameeya isla siyaasiyiinta. Waxayna arrintaas keentaa, in dhalinyaradaas ay toos ugu milmaan siyaasadda, iyagoo usoo ceel joogsada difaacidda iyo amaanta siyaasigaas, maadaama uu ka caawiyay dhaqaalaha waxbarasho iyo geynta goobo shaqo.

MAXAA XAL AH?

Dhabcan xalka ma ahan mid shaqsi, qabiil ama koox gaar ah ay keeni karto, laakin waa mid looga fadhiyo dowladda Soomaaliya inay dhalinyarada xal u keento, si looga faa’ideysto awoodooda. Waxaana xalka kusoo koobay qodobadan, iyadoo ka badan ay jiri karaan.

A) – In dhalinyarada lagu wacyigeliyo qiimaha dowladnimada, sido kale lagu dhiirrageliyo ka shaqeynta danta guud. Lana tuso in reerkiisa in soomaali oo dhanba wax u qaban karo haddii uu si dhab ugu soo jeesto.

B) – In shaqooyin loo abuuro. Dhabcan, shaqa abuuristu waxay keeneysaa in dhalinyaradu dareemaan mas’uuliyad, taasoo ka dhigan in waqtigooda ay inta badan ku bixiyaan baraha bulshada iyo ka hadalka micnadarada ay soo yaraan karaan. Waxaa ay dhalinyarada helayaan dhaqaalo ay kaga maarmaan inay cid gaar hoos joogaan, laguna fushado dano gaar ah.

C) – In laga caawiyo waxbarashada. Waxbarashadu waa waxa keliya dhalinta ka saari kara jahliga, misana gaarsiin kara inay wax istaraan bulshada waxtaraan. Sido kale, in loo furo goobo waxbarasho oo lacag la’aan ah ama ka jaban kuwa gaarka loo leeyahay.   

W/Q: Abdinasir Safaana
Email: Safaanahaji@gmail.com
Facebook: Abdinasir.safaana

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this