Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ku dhawaaqaday go’aan yaab leh oo ay ku sheegtay in ganacsatada…

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday go’aan yaab leh, oo ah in ay hubeyn doonto ganacsatada dalkaas, ayada ilaalada gaarka ah ee xarumaha ganacsiga, oo hadda aan hub haysan la siin doono, kadib weerarkii talaadadii ka dhacay Hotelka DusitD2 ee xaafada Riverside ee Nairobi.

Go’aankan ayaa durba waxaa shaki ka muujiyey dad badan, ayaga oo sheegay in tani ay keeni karto halis kale oo ah in ilaada ay hubka si qaldan u adeegsadaan kuna waxyeeleeyaan shacabka.

Howlgalka ay ciidamada amniga kenya uga falceliyeen weerarkaan ayaa qaatay 18 saac waxaana ku dhintay 21 ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka xiriirna la leh ururka al Qaacida ayaa sheegatay mas,uuliyada weerarkan.

Agaasimaha waaxda ilaalada amniga gaarka ah Mr Fazul Maxamed ayaa sheegay in la hubeyn doono waardiye yaasha si ay u sugaan amniga dadweynaha.

Balse waxaa tababaro iyo dib eegis lagu sameyn doonaa goobaha u baahan iyo mushaarka ay qaataan waardiye yaasha si uusan dhib uga dhalan mustaqbalka Fog.

Weerarkii talaadada ayaa waxaa kaloo ku dhintay laba nin oo ka mid ahaa ilaalada aan hubeysneyn ee ku sugnaa dhismaha la weeraray.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo sanadihii la soo dhaafay uu sii kordhayay baaqa loo jeedinayo xukuumada kenya ee ku aadan in ay hubka u sharciyeyso ilaalada xarumaha iyo shrikada Ganacsi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this