Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Itoobiya oo ku dhowaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabab

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhowaaqay in howl-gal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab inay dhowaan ka billaabi doonaan gudaha dalka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay ciidmada difaaca qaranka Itoobiya ee loo yaqaan ENDF ayaa lagu xaqiijiyey inuu jiro weerar Al-Shabaab ay sheegatay oo jimcihii lagula beegsaday gobolka Baay, waxayna ballan-qaadeen jawaab buuxda.

“Ciidamada Itoobiya waxay diyaarinayaan weerar baaxad weyn oo jawaab ah” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Itoobiya.

Bayaanka ayaa dhinaca kale ku gacan seeray sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in 57 askari lagu dilay weerarka oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay, oo u dhaxeeya Baydhaba iyo Buur Hakaba ee gobolka Baay.

Itoobiya ma aysan shaacin goorta ay qaadi doonto weerarkan ka dhanka ah Al-Shabaab, mana cadda in Amisom ay qeyb ka tahay iyo in kale. Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ka kooban laba qeyb, qeyb hoos-tagta Amisom, iyo qeyb hoos tagta taliska ciidamada Itoobiya.

Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa qoraal usoo saaray sabtidii ku sheegay in weerarka lala beegsaday ciidamada Itoobiya lagu dhaawacay saddex askari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this