Sign in to follow this  
Deeq A.

Muj: Cali Guray Oo Sheegay In Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Ee SOLJA Hadalkiisi Uu Cali Seenyo Ku Duray Uu Aha Guul Wadanimo.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa)Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay talaabooyinka xadhiga ah ee ay xukuumadu qaadayso.

B7D58878-0888-43B8-B356-F2D32DF2B127.jpe

Siyaasi Cali Guray oo fariin ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay in haddii la xalaashado wixii Siyaad Bare samayn jiray ay dembiilayaal qaran lagu sheegi doono jabhadii SNM, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

SNM DEMBIILAYAAL QARAN BAY AHAAYEEN BAA LAGU SOCDAA HADII INTII SIYAAD BARRE SAMAYN JIRAYBA AY XALAAL TAHAY MAANTA OO LAGU FAANAYO

Hee daacad shalay markii la i xidhayayna cadaalad bay ahayd ayaa ka dhiman xuuto warkiisa. Muxuu ka hadlayaa dalku sharci buu leeyahay cidda sharciga ku

xadgudubtay ma bilayskaa mise waa Cali Seenyo?. Dawladnimadu waa in sharcigu shaqeeyo oo xukunku uu noqdo qaynuunka ee aanu noqonin qofka. Yaa yidhi Ina Fadal adiga ayaa qaynuunka ka sareeya. Ina Fadal waa u caado ee ceeb kuma aha inu sharciga ka hiilayo sharci darradana u hiilyo.
Waryaada dhegaysta Siyaad Barre sax buu ahaa ee SNM baa gardarnayd oo dawlad dhan iyo dal dhan burburisay anigu qaadan kari maayo marka wixii Siyaad Barre aan ku diiday oo dhan maanta la igu yidhaa sax bay ahaayeen ee la xalaashado. Hadii wixii Siyaad Barre lagu diiday ee dalka dhan loo burburiyay sax ahaayeen aynu qirano in SNM dembiilayaal qaran ahayd waa taa ta lagu socdaaye ee la isu qurxinayo sacabkana la isugu tumayaaye.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this