Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Turkiga oo iskaashi ka yeelanaya socdaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey ayaa kulan la qaatey ku simaha agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka dalka Turkey.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen agaasimaha guud wasaaradda amniga, u qeybsanaha socdaalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey safaaradda Soomaaliya ayaa looga wada hadley iskaashi laga yeesho socdaalka, isdhaafsiga xogaha iyo khibradaha.

Xariirka Soomaaliya iyo Turkey ayaa ah mid sii xoogeysanaya oo dhinacyo badan leh, waxaana jira isku socod dhinacyada dadka iyo ganacsiga ah oo ka dhaxeeya labada dal.

Agaasimaha guud ayaa sidoo kale booqdey safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Turkey, isaga oo kulamo la qaatey madaxda safaaradda iyo saraakiisha socdaalka ee ka howlgala.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojineysa xariirka iyo wadashaqeynta dalalka caalamka.

FB_IMG_1547907994327.jpg

FB_IMG_1547907996564.jpg

The post Soomaaliya iyo Turkiga oo iskaashi ka yeelanaya socdaalka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this