Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey sida uu ku yimid weerarkii maanta & tirada lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qoraal ay soos aartay goor-dhow ku sheegtay sidii uu ku yimid weerarkii cuslaa ee maanta ay ku dileen dagaal-yahanno badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka Africa ee Africom ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ka dhacay meel u degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, lagu taageerayey dowladda Soomaaliya.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in weerarka uu yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kadibna Mareykanka uu taageero deg deg ah u fidiyey.

Mareykanka waxa ay sheegeen in weerarka ay ku dileen 52 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Mareykanka waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in ayaga oo kaashaanaya dowladda Soomaaliya ay Shabaab ka hor-istaagaan inay helaan gabbaad ay ku dhisaan awood ay ku fulin karaan weeraro ka dhan ah shacabka Soomaaliya.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in si gaar ah, Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay yihiin halka ugu xooggan ay Shabaab ay ku diyaariyaan shirqooladooda, laguna beegsan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
caasimada@live.com
 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this