Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma ka filaysaa in abtirsiin-raac faaido cid u keeno, halka Afrika oo dhami ka baqatay isir-raac (ethnicity).

Recommended Posts

Deeq A.   
MapSom-214x300.jpg

 

Kolkaa ma ka filaysaa in abtirsiin-raac faaido cid u keeno, halka Afrika oo dhami ka baqatay isir-raac
(ethnicity).

Marka ay timaado xuduudaha taariikhiga ah, ma aha xuduudii isticmaarku ka tegay oo keliyi, inay tahay
mid taariikhi ah. Waxa kale oo xuduudo taariikhi ah noqon kara 8dii gobol ee ka jiray dalka 1960kii ilaa
1972dii. Ogow, sannado tirsan mooyee, isku gobol ma noqon Garoowe iyo Lascaanood; Buuhoodle
waxay ku jiri jirtay Burco; Badhan iyo Laasqoray-na Ceerigaabo.
Bal aan yar xusno iraadada dadka ku nool degmooyinkaa kor ku taxan. Waxa kuu soo bixi in qudhoodu
ku kala feker duwan yihiin mustaqbalka degaankooda ku dambaynayo: qaar u janjeedha Garoowe iyo
kuwo Hargeyasa u xagliyaba way leeyihiin. Waxa se ay aqalabiyadoodu ganafka ku dhufteen ama
werewer weyn ku haya gooni goosashada Somaliland, cabsi ay ka qabaan aqaliyad ay ku noqdaan
Somaliland, kana xadhig furmaan tolkood. Taas oo loo macnayn karo ma diidana Somaliland ee gooni-
is-taagga Somaliland ayaa qalaynaya.
Ururka Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Gallayr– oo iyagu markii hore qabay inay ka madax
banaan yihiin Puntland iyo Somaliland ba, waxaay talo ku deysteen in maamul hoosaad la sameeyo,
hoos taga Somaliland; iyadoo aanay ka tanaasulin midnimada Jamhuuriyaddii Soomalida. Cali waxa uu
is tusay in fursadda Somaliland aqoonsi caalami ah ku heshaa aad iyo aad u yar tahay; kol ay ahaatana
mar uun ku soo noqonayso xayndaabka Jamhuuriyah Somaliyah; sidaa darteed lagu sii nasto
Somaliland.
Nuxurka munaaqashadani waxay ku soo arooraysaa maamul abtirsiin ku salaysani waa derbi dab ka
holcaayo. Marka aad la deris noqoto maamul doonaya in uu kaa goosto dadkii aydin isku abtirsiinta
sheeganayseen waa dabkii holcayey oo bensiin lagu sii shubay.
Haddii Somaliland, fekrad ama mabda’ ahaan, si uun, ay ugu soo noqoto xayndaabka Jamhuuriyah
Somaliyah, waxa aan qabaa in la demin karo dabkaas; lana baajin karo dhiig, naf iyo barakac dambe
oo ka dhex-dhaca Puntland iyo Somaliland. Haddii taa la helo, ma jirto sabab caqli gal ah oo ay Puntald
muran iyo colaad ku sii wadaa.
Puntland iyo Somaliland waa labo maamul oo ahaa muddo dheer labo nuur oo Somalidu ku soo hirato.
Laakiin haddii ay sii socota colaadda ka dhex aloosani waxa looga aayi doonaa waa iftiinkaas ka shidan
Garoowe iyo Hargeya oo isla dama. Ilaah baan ka magansanay.
Inta muran iyo colaadi ka dhex aloosan tahay labadan maamul, Somaliland aqoonsi caalami ahi ka
dheer, Puntland-na dawladnimo si wacan u shaqaysaa ka dheer.
Wadahadalada Xamar iyo Hargeysa ee la filayo inay dhacaan, ma ku soo celin doonaan Somaliland
xayndaabka jamhuuriyaddi Soomaliyeed ee dhalatay 1960kii? Haddii jawaabtu haa tahay, waa sida
keliya ee Hargeysa Ingiriis kaga baaqanayso, Garoowe-na Talyaani, nabad waartana lagu heli karo
(Idan Alle).
Wa Bilahi Towfiiq
Maxamuud Cabdillahi Axmed
London, UK
Maxamuudaxmed@live.com
18/01/2019

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this