Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarkii ay Al-Shabab ku qaadeen DusitD2 Hotel oo laga dhaxli doono 4 arrin

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-Shabaab ayaa asbuucii lasoo dhaafay weerar ku bilowday qarax ku qaaday hotelka DusitD2 kaasoo ku yaal Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Weerarkaas ayaa la aaminsan yahay inay ku dhinteen dad aad u badan oo tiradooda gaarayo illaa 24 qof inkastoo laga yaabo inay dhimashada intaas ka badan tahay

Haddaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbin doonaa  afar qodob oo laga dhaxli doono weerarkaas ay Al-Shabaab ku qaadeen Caasimadda dalka Nairobi.

1) Cadaadis dhanka shacabka ah

Dowladda Kenya ayaa weerarkii hotel DusitD2 kadib cadaadis xoog leh kala kulmi doonto shacabkeeda.

Cadaadiskaan ayaa noqon doono inay Dowladda Kenya ka codsadaan inay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya si ay uga badbaadaan halista uga imaaneyso Kooxda Al-Shabaab ee ka dhisan dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horey cadaadis xoog leh kala kulmeysay shacabkeeda kadib markii ciidamo badan oo Kenyaan ah lagu dilay Gudaha Soomaaliya kadib markii ay weerareen Kooxda Al-Shabaab.

Weeraradii Soomaaliya loogu geystay CIidamada Kenya ayaa weli lagu la’yahay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Joogo Soomaaliya waxayna shacabka Kenya dowladooda ka codsadeyn inay usoo gudbiso tirada lagu dilay Soomaliya iyo magacyadooda.

Weerarkaan hadda ka dhacay Nairobi ayaa la aaminsan yahay inay cadaadiska kusii badin doonto Dowladda Kenya.

2) Dhaqaalaha Kenya

Dowladda Kenya ayaa dhaqaalo tiro badan ka hesho dadka usoo dal xiis tago dalkeeda waxaana laga yaabaa inuu dhaqaalaha Kenya hoos u dhaco kadib weerarkii lagu qaaday hotelka DusitD2 maadaama ay banaanka usoo baxday halista lagala kulmi karo Kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaan ayaa hoos u dhigi doono dadka dalkaas usoo dalxiis tagi jiray waana ujeedada ugu weyn oo Al-Shabaab ka leeyihiin weerarada ay ku qaadayaan dalkaas.

3) Dowladaha dariska la ah Kenya

Kadib weerarkii Hotel DusitD2 waxay cabsi soo wajahday Dowladaha ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya ee dariska la ah Dowladda Kenya sida Uganda, Ethiopia iyo Jabuuti.

Dowladahaas ayaa hadda dareemayo halista ay leedahay inay Kooxda Al-Shabaab dhulalkooda ka geystaan weeraro noocaan oo kale ah waxaana lasoo sheegayaa in heegan culus la geliyey ciidamada Booliska ee Uganda iyo Ethiopia si looga hortago weeraro ay halkaas ka geystaan Kooxda Al-Shabaab.

4) Awoodda Al-Shabaab

Waxaa mar kale banaanka usoo baxday awoodda ay Al-Shabaab u leedahay inay weeraro ka geystato meelo ka baxsan Soomaaliya xilli ciidamo badan oo ka tirsan Midowga Africa loo keenay Soomaaliya inay cirib tiraan Al-Shabaab balse waxaa weli muuqato 10 sano kadib inay Al-Shabaab leedahay awood aad u halis badan oo ay dhibaasto ku geysan karto Gudaha iyo Debadda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this