Sign in to follow this  
Deeq A.

Prof.Cali Ciise iyo Cashar Siyaasadeedkii Puntland Loogu Dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Prof.Cali Ciise iyo Cashar Siyaasadeedkii Puntland Loogu Dhigay
2018kii
Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley) 19kii Janaweri 2018kii
Prof Samatar 2012dii ayuu Garwaaqsaday in aanay reer Somaliya doonaynin,midnimo Somaliweyn,
caddaalada,talawadaag,waxwada yeelasho,Somalinimo,Sinnaan & walaalnimo toono isagu Cali Ciise
Puntland muxuu ka bartay?
 Caliyoow Jikraar lama hadlee jaalkaybaad tahaye,
 Dadka kale ka jeestaye adaan jaari kuu ahaye
 Junne weeye ruuxaan ahayn jaadka aan ahaye
 Waxan kaa jarraysimayahaa samada Jiilaal
 Waxan kaaga jiidh diirayaa doorashada jaane
 Sidii Jaawa dhane loo shubaan jeelka kaa bi’ine
 Waxaan kugu jalbeebinahayaa sheeko jowhara ahe,
 Jawaawida Majeerteen haddey jalowdi kuu yeedhay
 Jabkaaga iyo Fool Xumadan kula jeclaayeene
 Jawaabtayda maqal Jaalle waan kuu jidh naxayaaye
Saaxiibayaal sheekaba sheekey keentaaye,waxan jecleystay inaan idinku jabeebiyo dhacdooyin siyaasadeed oo
dad badan kaa yaabiyay,tusaale ahaan anaga oo madal Hargeysa ah xaafadda Jigjiga yar fadhinay.
Wakhti 6 sano laga joogo goor duhur dabadii ah ayuu furmay fadhigii ay baarlamaankii Somaliya ay ku
dooranayeen,madaxweynihii bedelayay Sheikh Shariif Axmed,intii aan lala bilaabin codbixinta ayaanu
faalaynay,ama odorosnay sida ay u dhici karto natiijadii doorashadu, garyaqaan Aadan ayaa qalin iyo warqad
qaatay,oo ragayagii madasha joogay,su,aal isku mid ah na weydiiyay,hebeloow adigu afarta nin, ee aad filayso
inay wareegga 2aad iskusoo hadhayaan,sheeg qofkasta ku odhanayay,Illeen iyaduba waa mucjisee,waxaan
xusuustaa in uu ninba afartii ay la ahayd uu Aadan warqaddii kaga qoray.
Markii uu Aadan warqaddii yeedhiyay,ee rayigayagii kala caddaaday,afar nin oo madashaas joogay,uu midkasta
waxa magaciisa 4tii ugu sarreysay kusoo daray,Barfasoor Axmed Ismaaciil Samatar,nin isagu iska aamusnaa oo
Cumar la yidhaahdo ayaan anigu xaggiisa u jeedsaday,oo aan ,su,aalay Cumaroow maxaad adigu rayigaaga u
sheegi weyday?
Isaga oo aan isba dhibin ayuu yidhi,waan idin dhegeysanayay,waanan idinla yaabanaa,waxaanan lasii
yaabanaa,qolyihii qiyaasay,inuu Dr Axmed Ismaaciil Samatar uu ka mid noqon doono, raga wareega 2aad soo
gaadhi doono,kuwaas way khaldan yihiin auu yidhi,kadibna nin meesha fadhiyay ayaa ku yidhi,Cumaroow adigu
maxaad odhan lahayd?,miyaanu Samatar soo gaadhi Karin wareegga 2aad?,anigu waxan amainsanahay inuu
Samatar yahay ninka ugu aqoonta badan musharixiintaas oo dhan,teeda kale ururkiisii HIIL QARAN ayaa Xamar
ama Somaliya sii joogay oo u ololaynayay,sidaas darteed wareegga 2aad daayoo uu madaxweynanimada ku
guulaysan doono oo uu rajo fiican yeelanayo ayay aniga ila tahaye,maxaad adigu sidaas u leedahay?

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this