Jacaylbaro Posted June 22, 2008 SDWO (Hargeisa 21/06/08) Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay Farduus Siciid Dirir oo ah hal-abuurad cusub oo tirisay todoba Gabay oo lix ka mid ahi ay yihiin Ingiriisi, halka Gabayga kalena ahaa Soomaali ayaa xalay lagu qabtay Hotelka Imperial ee magaalada Hargeisa. Munaasibadan o ay suuragelisay dalada dhalinyarada ee SONYO waxaa ka soo qaybgalay abwaano ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Sheekh Cabdi (Aadami), Abwaan Aadan Tarabi, Axmed Aw Geedi, Cabdi Muxumed Aamin iyo xubno ka socday Hay’adaha dalka ku sugan, ardayda dhigatada Jaamacadaha dalka, ururada dhalinyarada iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan. Agaasimaha dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Maxamed Axmed Maxamuud (Barwaani) oo isagu furay munaasibada ayaa ka hadlay hawlaha kala duwan ee daladu u qabato dhalinyarada, isagoo sheegay inay dhalinyarada u qabato doodo kala duwan oo ay aad uga shaqeeyaan horumarinta dhalinyarada Somaliland. Agaasimuhu waxa uu hambalyo iyo dhiiri-gelinba u soo jeediyay Farduus Siciid oo dedaal kartiyeed oo qiima gaara inoo leh muujinaysa, ayuu yidhi Agaasimuhu waxaana uu intaa ku daray inay arrintani tusaale fiican u noqon karto gabdhaha kale ee reer Somaliland, inay soo bandhigi karaan fikradooda iyo dareenkooda waxaana uu ballanqaaday dalad ahaan inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan dhalinyarta. Barwaani waxaa kale oo uu ka hadlay horumarka ballaadhan ee dhalinyaradu ka gaadheen dhinacyada Waxbarashada, Siyaasadda iyo dhaqaalaha marka loo ego wakhtiyadii hore. Abwaan Aadan Tarabi oo ka mida Abwaanada Waaweyn ee reer Somaliland oo Xafladaasi hadal dheer ka soo jeediyey ayaa waxa uu sheegay in haweenku bud-dhig u yihiin Suugaanka Soomaaliyeed, “Haweenku waxay ahaayeen kuwa tiriya hees hawleedyada, heesaha Xoolaha [Riyaha, Idaha], waxay ahaayeen qaar heeso u tiriya barbaarinta Ubadka, waxa kale oo ay heeso u tiring jireen Haanta, marka laga reebo heesaha Geela oo ay raggu la haayeen, inta kale waxa iska lahaa Haween” ayuu yidhi Abwaan Tarabi. Farduus Siciid Dirir waa gabadh da’ ahaan aan ka weyneyn 25 jir isla markaana noqonaysa gabadhii ugu horeysay ee reer Somaliland ah oo ku gabayda luuqad aanay u dhalan oo ah Ingiriisi, gabayada ay Farduus halkaa ka tirisay waxaa ku jiray gabay ay u tirisay abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxa kale oo ay ammaan u soo jeedisay Boobe Yuusuf Ducaale, iyo mid kale oo ay si gaara ugu amaantay eedadeed oo madasha ku sugnayd isla markaana soo korsatay Farduus. Sida lagu xusay taariikh nololeedka Farduus waxa ay bilowday hal-abuurnimada iyada oo todoba sano oo qudha jirtay. Gabayada ay Farduus Siciid ku tirisay luuqada Ingiriisiga Waxay kala ahaayeen, 1. Somaliland My Life And My Future, 2). All Lifes To You, 3). Education, 4). My Sweat Aunty, 5. Life 6). Lonely. Geba-gabadii xafladaas waxa ay halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiisay Farduus dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Hargeisa Readers Club, University of Hargeisa gaar ahaan advanser-keedii gabayada la diyaariyay, Boobe Yuusuf Ducaale, eedadeed Luul Dirir iyo Deeqa Xassan Axmed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted June 22, 2008 i love how Somalis like to be the first Somali anything. for the record, i am the first Somali walker. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ibtisam Posted June 22, 2008 ^^^^Loool. She is the first in HArgisa! maxa kaa gale? JB: There is a guy who has a book out already. I like her hijab style. Tall women look good in hijabs. :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 22, 2008 ^Don't rain on her parade adna! :mad: Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted June 22, 2008 Originally posted by Naxar Nugaaleed: i love how Somalis like to be the first Somali anything. for the record, i am the first Somali walker. waar ninyow nin xanaaqsan ayaad tahay. Ma qosle abu lugeeye ayan ku bixiyey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted June 23, 2008 ^ Talk about some girl doing fantastic things in Puntland, you will see him smiling lol. Quote Share this post Link to post Share on other sites
chubacka Posted June 23, 2008 ^^ hahaha she looks fab, good luck to her. ibz whose da somali guy wouldn't mind reading some of his stuff. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 23, 2008 I'm gonna post some of her poems ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted June 24, 2008 can we hear them? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 24, 2008 Yes, once it is uploaded to Youtube. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted June 24, 2008 Does she have that rer woqoyi english accent..err i mean "accendh"? I think the title is misleading? Perhaps? :confused: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted June 24, 2008 waa meeqa mitir gabdhu. (gabdhii dheerayd iyo ninkii gaabnaa ee is aroosey baa ugu doo dacay. Up and down) This guy I know from Hargasa, He pronounces 13, Like Teedhiin, Foodhiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 24, 2008 ^Lol@Teedhiin. How about Handaren? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted June 24, 2008 Waryaa Habaarane, kaftankan inuu domino-effect leeyahay soo ma ogid maad naga daysid? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted June 24, 2008 War magaca ha nooga cayaarin. waryaa magac baan kuu hayaa: KHAYR-ALASII. tolkaan iyo tusbaxa aad ku wareegeysid iska dhaaf. Quote Share this post Link to post Share on other sites